Dhiggeed Karroon iyo Dheeg Xasan

Hijabi

Ma ihi sidii hore, mana u dhawi sidaad igu taqaannay. Ma garan karo wax i beddelay. Qorshe la’aantaydan aad la yaaban tahay ma aha waxa keenay fikirkaygan bilaa xadka ah. Murugo ima hayso; mana faraxsani. Si baan ahay aanan ahaan jirin. Kollay waa iyada. Waxa sidan ii rog-rogay.

Dhabbada aan mari jiray markaan u socdo xagga dugsiga maanta waan beddeley. Marin aan marinkii ahayn iyo dariiq kale ayaan tallaabada ku xadaa. Gaabis uma dhalan mana aan habsaami jirin. Aniga ayaa wehelin jiray waardiyaha dugsiga aroorta hore ba. Munaasibado dugsigu ardayda u sameeyay waxa aan ku hantay kallahaadaydaa abaal marrinno dhawr ah. Laakiin maanta sidii aad igu taqaannay iyo si u dhow toonna ha iigu soo hagaagin.

Labo jeer, waa mar-mar e ayaa aan cantuugaa quraacda. Aalaa cantuugada danbe marka aan iyada xasuusto halkaa ay marayso ma dhaafto, haddii aan gacanta ku hayo na halkaan kasoo qaaday ayay si dhib yar ugu noqotaa. Waan soo baxaa, toos uma abbaaro dugsiga laakiin gurigooda ayaan si degganaan ku jirto ku sii maraa. Micnaha sida bukaanka ayaan u talaabsadaa. Bukaan socod ma ihi laakiin iyada ayaa iga dhigtay. Nasiib wanaaggayga subaxyada qaar waa aan la kulmaa, oo wadajir ayaannu ugu soconnaa xagaaa iyo dugsiga, halka subaxna ay soo yar habsaanto. Marka ay socodka igu wehelinayso waxa aan dareemaa farxad. Run ahaantii isma lihi waxa aad dareemi inta hadhay noloshaada. Waana dhab oo illaa hadda ma hayo mana helo. Ma arko mana dareemo rayn-rayntii iyo dhoollacaddayntii aan iyada la qaadan jiray.

Waxa aan iyada u hayay jacayl, xiiso iyo kalgacal aan xad lahayn laakiin waxa igu adkayd u sheego. Oo haddan u sheego waxa i bog dillaaciyay ee aan yartan u hayo ma gefbaa?! Maalin aannu ka wada qayb gelaynay munaasibad aniga, iyada iyo wiil kale oo soo kallahi jiray ayaa nala saaray bas. Anaga oo u raacnay goobtii munaasibaddu ka dhacaysay. Intii aanu baska saarnayn xageeda waxa iga xigay wiilkii kale. Waxa aan u dhiibay aleen [telephone] aan ugu qoray codsi ah in uu isoo beddelo. Ina rag damac iyo dacar midina ka ma dhammaato waa tii la odhan jiray e is adkayn xoogaa ah ka dib waa uu iga yeelay codsigii. Lix sano ka hor ayaa ay ahayd, waan la fadhiistay. Haa, oo waliba waa ay sheekaynaysay. Farxad, muxibbo iyo kalgacayl ayaa saaqay guud ahaan Jidhkayga. Malahayga aan is idhi iyada ayaa wadatay.

Maalin dhawayd nin ayaa lahaa “Haddii aad rabto in aad illowdo qof aad jeceshahay dil rejada oo jooji naawilaadda”

Cirku waa yar madow, cadceeddiina wali may dhicin. Casaan indhuhu jeclaysanayaan iyo daruur ayaa qariyay qayb ka mid ah cirka. Eedaan ayaa kusoo dhacaya dhagahayga, inkasta oo maanku ku xiiqay xasuusteeda haddana qalbigu u sheego dareenkaaga ayaa uu cod aad u hooseeya igu leeyahay. Salaaddii maqrib waa aan tukaday, wax aan tukaday se garan maayo, laakiin in aan iyada qaraaco ayaan ku hayay lubiga.

Dhiirranaan ah inaan banaanka usoo saaro waxa iga dhex guuxaya ma lihi. Inta aannu dharaarti wada soconno sheeko igu ma yara oo ma ihi nin u dhashay aamusnaanta, laakiin u tebi oo u sheeg jacaylkaaga sarbeeb ahaan iyo badheedh midna ma awoodo. Go’aan baan gaadhay ah in nin aannu saaxiib nahay i metalo; macnihii uu aniga iskakay dhigo. Qorshe ayaannu dhignay in uu isagu aleenka kala hadlo isaga oo codkiisa hoos u dhigaya anigana isu kay ekaysiinay si aanay u dareemin kadibna uu u sheego wax kasta oo aan iyada u hayo. La isbariidi una bandhig dareenka jacayl ee aan u hayo iyo beer-nugaylkaygii. Aqbashay oo la isfahan. Habeenkaana si wanaagsan kollay iyadu u seexatay.

Rayn-raynta midhihii ka soo baxay wadahadalkaa habeenka kama seexan, ma aan ladin wax hurdo ahna ma aan hawaysan. Inkasta oo xaggeeda sida uu qalbigu ileeyahay ay faraxsanayd si fiicanna u seexatay ma garanayo in uu been sheegayo e. Hiirtii waaga ayaa aan u baxay masjid, ka soo noqday. Deg-deg u xidh-xidhay una baxay dugsigii.

Xishood ayaa ila soo darsay, madaxayguna dharaartaa hoos ayaa uu ahaa. Wax ma dhigan mana aan daymoon baraha xaggiisa. Sidii ayaan kaga imi maalintaa dugsiga. Caado waxa noo ahayd in anaga oo lammaane ah kasoo rawaxno dugsiga. Laakiin dharaartaa kaligay ayaa jalaskaba ka horeeyay.

Talo iskuma kaa sheegto. Bila aadankuna uur-ku- baalle ma aha. Iimay sheegin in laacan aan arkayo uu jar dheeri ka hooseeyo. Aayar baa si yar oon dhib lahayn, hadal yar oo aan iyada dhibayn ay iigu sheegtay in la guursan doono. Waliba waxay ii raacisay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dooni doono.

Arrin ka weyn noloshayda ma arkin warkaasi. May ii sheegto mar hore go’aan ayaa aan gaadhi lahaa?! Oo ma qof aad jeclaataa go’aan laga gaadhaa. Adduunyadu waayo badanaa oo werwer iyo walaac badanaa. Maalin dhawayd nin ayaa lahaa “Haddii aad rabto in aad illowdo qof aad jeceshahay dil rejada oo jooji naawilaadda.” Inkasta oo aanan caloosha ka saari karayn hadana waa aan ku qasbanahay in aan illoobo. Kalmad aan meel halkeera ah maalin ka maqlay ayaa aan iyadana ku odhanayaa. “Nasiibkaygaa i nacaseeyaye, noolaada adiga iyo ninkaaguba.”


HIMILO DARWISH (ARTIST) is a 23 year old business student. She has been drawing since she can remember. Her artwork currently revolves around her identity as a Muslim, Somali, Black woman living in the UK. She resides in London.

Instagram: @dazmyart

CADNAAN MAXAMUD AXMED (Author) resides in Hargeisa, and graduated from high school this year. He is originally from Burao.

 

Leave a Reply