Poem, Untitled (1)

21 Sumaya Mohamed

Inta dhimirka waalida
Dhaban dhaabay suuqyada
Inta maanku dheeliyee
aan  wali hugii dhigan
Inta guri dhex joogtee
Aan cidiba dhaadayn
Inta dhibic yar uun qabee
Lagu dhibayo suuqyada
Inta magac dhibsanaysee
Dhagta loogu ridayuun
Inta ay dhalaan yari
Ka dhaarsheen inuu lado
Intaan dhuuni helinee
Dhawr caano maal qada
Inta dhaxanta jiiftee
Dhulku gogol u yahay uun
Inta dhibicda roobkiyo
Dabayluhu dharkood yahay
Inta dhaqashadoodii
Dibad yaalka laga dhigay
Waxba may dhitaysane
Wali hooy ma dhaadoo
Dhaayaha ma saartoo
Maku dhibay dhibkoodani???


Sumaya Mohamed (Photographer) is an aspiring visual artist currently based in Bosaso, and roaming around Somalia. Her images portray everyday life in the motherland.

Instagram: @svmaya

Naaima Abdi (Author): “Waxaan ku barbaaray dalka Jarmalka, waxaan kusoo noolaa isagana dalka UK, imikana waxaan si rasmi ah u dagnahay Hargeisa, hal-abuurka ama qorida maqaalo iyo maansooyin u badan hogol tusaalayn, waa ii hobby ama maararow, waxaan inta badn ku cabiraa aragtidayda ku waajahan duruufaha kala duwan ee bulshada soo waajaha, sida baahi, xanuun, i.w.m.”

Instagram: @na_poetry

Leave a Reply