Tabasho

58 Suleman Hersi - Untitled (Merry go round)

Maahmaah tun weyn baa leh
Ninkastaaba tulud geela
Ama tiro wuxuu haysto
Ceel iyo darkii soo tub
Waana tabarta xeeshiisa
Halkuu dhigi tayuubkiisa
Tixda waxaan araartayda
Ugu ladhay tusaalaynta
Garashadu hasoo toosto
Tabashana wada gaadho
Tolka gebi ahaantoodba

Af dal dhan ah tilmaantiisa
Af dad dhan ah tiraabtiisa
Misna tebinta weedhiisa
Ninka tirin u xaydxayta
Badawnimo in loo tiirsho
Maskaxday kasoo tarantay
Inagaa tilmaantaas leh

Tabar duunyo lagu qaaday
Qof tiraab ku doondoonay
Tahli maayo helideedde
Qof wuxu ku tookhaayey
Tahanbaab la doonaaya
Intuu taag awoodaayo
Gomadaha ku tuuraaya
Hantidiisu tuug booba
Iyo telef ma waayeyso
Isaguna tafiir laawe

Teel teel u yaalkeena
Iyo beelo kala teedka
Taageero cadaw siinta
Walaalkana takoorkeenu
Kalsoonida wixii toogtey
Weeye tiray odhaahdeena

Af tubeec kusoo heesay
Gaariye tixraac suuban
Tuducyada kusoo qaatay
Tabantaabo helay waayo
Taariikhna geli waayey
Sow inuu dadkii tiirshay
Waa gartiise tebo maaha

Inagaa cidlada taagnay
Afka tahar ku sooryeynay
Inagaa markuu tiicay
Taageera garan waynay
Tiradeenu waa duul dhan
Taranteenu waa qoomam
Waxa tuulan dunideena
Afaf lagu tiraab sheegto
Luuqdeenu kuma taale
Caku tiro badnaanteena

Tebi oo ku baro diinta
Hanti weeye toolmoone
Ha is dhihin tacliintaadu
Weligeed ma toosayso
Jeeerood afkana tuurto
Taariikh hidde na laasho

Toosh iyo ka dhigo nuurba
Haka talin dhamaadkiisa
Waa taajka sumadeene
Tacadiga kadaa weedha
Ha turxaamin suugaanta
Talo iyo ka dheef waano
Dadka aad kasoo tarantay
Ruush iyo talyaan maaha
Carab iyo tigreey maaha
Ingiriisna kuma toostid

Soomaali baad tahaye
Ha tirtirin astaantaada
Halacsiga tigaad beeran
Waa tacab gadaashiisa
Inaguna tartami mayno
Afka oo tabaalaysan
Halkuu tegay asaageenu
Faca tiigsan kari mayno

Tarbiyee ilmaha waani
Tawxiid markuu qaybo
Iyo tiir islaamkeena
Afka hooyo waa taajir
Ilbaxnimo tubteedii dhe
Hanka toosi waa guule


Suleman Hersi (Photographer) is a 27 year old civil engineering student, who holds a BS in engineering. He has always enjoyed being creative, and has tried his hand at various art forms including poetry, short stories, rapping, and beat-boxing. Photography is a medium he returns to regularly. From 2013 to 2016, Suleman simply used his smartphone to capture images; by 2017 he found freelance photography work. His dream is to work as a concert photographer, as he enjoys the show energy and atmosphere. Suleman will travel to Somalia next year for photojournalism. He resides in Asker, Norway.

Instagram: @ihersi
Website: www.ihersi.com

Maariya Cisman (Author): “Magacaygu waa Maariya Cismaan Maxamed joogta Boorama  waxan ku dhashay magaalada Burco sannaddii 1996-dii, halkaas ayaanan ku barbaaray 2012 ayaan dhammeeyey waxbarashada dugsiga dhexe, isla 2012 ayaan usoo wareegay magaalada hargaysa halkaas oo aan ka bilaabay waxbarashada dugsiga sarre.
Sannadii 2016-kii ayaan qaatay shahaadda dugsiga sarre, waxaanan jaamacada camuud ee magaalada boorama ka bilaabay cilmiga shaybaadhkha. Welina waan wadaa, waxaan ahay hal-abuur afka hooyo ku gabya.”

Facebook: @maria.osman.33
Instagram: @MaariyaCisman

Leave a Reply