Bare Barre

IMG_3125

Sheeko gaaban oo mala awaal ah, nolosha dhabta ahna aan ka dheegtay.

Cabdillahi Raage “Sayyidka”

Barre waxa aad tahay bare ku takhasusay barbaarinta ubadka, dugsiga aad u shaqo tagto wuu buux-dhaafay, magac iyo sumcadna wuu ku wadhwadhay, adna waad u hagarbaxdaa waxbarista ubadka aad baraha u tahay iyo barbaarintoodaba, waalidku adi mooyee bareyaasha kale maba yaqaanaan, ubadkuna magacaaga way ku hadaaqaan dugsiga dhexdiisa iyo dibaddiisaba, magaalka markaad ubaxdo umadda ayaa kuu jeeb ah, ardaygaagii kaalinta koobaad galay sanadkii la soo dhaafay waalidkii waaka haysta maqaayadda wax laga cuno, maalinkaa ka dib lacag aad bixiso waakii kaaga dhaartay, adna hadii uu xishoodku ku dhaafin lahaa waakii ku xujeeyay ee Eebbe wayne kugu xawilay hadiiba aad garab marto, baska laftiisa waaka wada—galinka danbe, mid ardaydaada ka mid ahi, hadaanu ku qaadin oo aanu meesha aad u socoto ku hordhigin maalinkiisu  miyaabu ?!

Qiyaastii malaha baalashka oo kaliya ayaad lagactaada ka bixisaa inta aad magaalka joogto.

Adoo is moog uun, waadiga maalin ku baraarugay adoo qaylinaaya. Ileen waxaabad ku riyoonaysay tacsidaadii oo loo fadhiyo, anfariikii makuu kaa dagay riyadaasi waxa ay kugu dhalisay is weydiintii ugu cuslayd noloshaada, taas oo ahayd, hadii aad caawaba hoyato maxaa lagaa dhaxli oo lagugu xasuusan doonaa, ku darso oo ubadna Alle kuuguma deeqin adna guurba waadigii giriifey waagii Baxsan lagaa guursaday.

Todobaado wax aad tallantaba, go’aan waadiga ku gaadhay in aad magacaaga ku duugto xarun waxbarasho oo gargaar ah, ubadka danyarta ah, kuwa daranyaysan, kuwa la tuuray iyo kuwa waalidkood ka dayrshayba hoy iyo dugsi ay ka dhigtaan, waxna aad ku bartid, diintana aad ku barbaarisid, waxaanad isku qancisay in taasi tan la joogo iyo ta danbaaysaba guul kuu tahay.

Waa Eebbe mahadii, sidii lagu yiqiin meesha aad joogto wakaa ubadkii isa soo buux dhaafshay Xarunta Bare Barre ee Kobcinta Ubadka Umadda, badidooda, hooyada sii baxaysa iyo ayeeyada soo galaysa waakuwa bilaabay in ay ubadka tirintooda ku tartamaan, adna waadiga “amiiin.. Idaylkenba.. Aaamiin hooyo” da gurraaya, ducada markii lagugu qarqiyay.

Bootaan iyo Bariirada mataanaha ayuu ku waydiinayaa Bare

“La yaab ma laha…. Waligiiba waa uu ubad jeclaa… illeeyn waa nin goblan ahe…” erayada waa kuwa iswaaydaarsaday wiilka gacanyaraha kuu ah iyo gabadha soo-dhawaynta kuu qaabilsani, adigu markaas warkaa ma haysid illeeyn waa nin riyadiisi u rumawday iyo xeerkiiye, tirada ubadka, tayada waxbarasha, farxaddooda iyo ku qanacsanaanta waalidka awoodi waayay in uu hanti kala baxo waxbarista ubadkiisu waata ku qancisay. Cid kaa raynrayn badanba ma jirto dunida, tolow ma la heli cid mar uun sida aad hada u faraxsanatahay u faraxday inta uu aadamuhu aduunkan jogo, maalina Eebbe ha ka yeelee?! Intaad weeydiintaa is weeydiisay waadiga is kugu warceliyay, Maya…! adoo indhaha la raacraacaaya wiilka iyo gabadha mataanaha ah oo cayaar ku mashquulsan.

Haweenku indho fiiqfiiqanaa oo fiirfiirsi badanaa, gabadhii kula shaqaaynaaysay oo baryahanba madaxeega ay weeydiimo ka guuxayeen, waata yarkii shaqaalaha ahaa waydiisay,

“Bare Barre caruurtaa mataanaha ah muxuu si gooni ah ugu xanaaneeyaa?!”

Garan maayo, maxaad ku keentay waydiintaas?! Markuu ugu jawaab celiyay waata intay kursi halkaa ka soo jeeda fadhiisatay ku tidhi.

“U fiirso marwalba oo uu ubadka dhex fadhiyo labadooda dhabta ayuu ku qabtaa, aroortii isagaa kala wareega ayeeydood, galinka danbana gacatiisa ayuu ugu geeyaa.”

Yaa… indho dheeridaa, umaaban fiirsane, maxaa kaleed ku aragtay?!

Waar adna waad iska nooshahay uun, labadaas mataanood hadii ay oyaan miyaanad arag in uu gariiro, waxaaban ka baqaa marka ay ilmeeyaan in uu isagna oohin ku daro.

Haye… waa yaabe!!

Waar xataa hadii ay is wasakheeyaan ilaa aan u nadiifiyo igama dul tago.

Naa dee  Barre waa nin ubad jecel, ma maantaad baranaysaa?!

Anigu waxaan arkay ubad jacayl ka badan!

Intaa markii ay is waydaarsadeen, waadiga si lama filaan ah ugu soo baxay ee waydiiyay waxa ay la murmaayeen. yaarkii waa ka isku dayay in uu sheekada ku dhaafiyo, lakiin kamaad yeeline, waadiga ku adkaysatay in lagaa qayb galiyo doodda, “dhaliyaro ayaan anba ahay oo wali maan odayyoobin ha igala xishoonina hadalka” waadiga hadalkii ugu daray.

Inta uu dhiiraday waaka yarkii ku waydiiyay “Mataanahaas yaryar waxaan aragnaa adigoo naas-nuujinayee maxay kaaga duwanyihiin ubadka kale?” “aaaah, maad iska aamustid” waadiga ku calaacalay gudahaaga adoon maqashiinayn, illeeyn markiiba waxaa ku horyimid sawirkeedii, sheekadeedii, qosolkeedii, farxadeedii. Dhagtaadu waata iska maqashay codkeedii halaasiga ahaa oo ku leh “gacaliye ragba waa igu kaligaa”, meel ay ka timidba mooye waadiga dareemay iyadoo dhexda ku haysta, dhunkasho kaa laba celinaysa, iyadoo qoslaysa oo kolba su’aal ku weeydiinaysa waadiga xasuustay, qudhiiba waaka ku hor yimid habeenkii uu labiskeedu ku sixray, cadarkeeduna ku jaanjaamiyay ee aad buurta ku laydhsanayseen, magaaladuna hoostiina si qurxoon uga soo muuqanaaysay, xasuus badanayaa habeenkaasi iyadna qurxoonaydaa!, waatiii ku waydiisay “hadii aan wiil aan ku curano maxaad u bixin?” adna wadigii gabadh hadii ad ku curataan waydiiyay waxa ay u bixin lahayd? dood dheer ka dib waydinkii ku heshiiyay in aad Bariira iyo Bootaan u kala bixisaan.

Adoo xasuustaada la mushaaxaaya, iyagna ay u jedaan kaliya wajigaaga is badbadalaya iyo mashquulka ay maskaxdaadu gashay, ee aad neeftood celiso mooyo wax kale iska-wayday, waata gabadhii  kugu toosiyay “Bootaan iyo Bariirada mataanaha ayuu ku waydiinayaa Bare”, ambabar kadib waadiga ugu jawaabay

“Adeer hadaan duruufi talin oo calafku adeegin, maanta Aabbohood saw ma ahadeen, oo ilma Barre looguma.


FARDOSA SULEIMAN (Photographer) is nineteen years old and from San Jose, California. She began taking photographs one year ago.

Instagram: @fvrdosa
Twitter: @fvrdosa

CABDILLAAHI RAAGE “SAYYIDKA” (Writer) oo lagu naanayso Sayyidka waa qoraa Soomaali iyo Carabi wax ku qora. Dagan Hargaysa, ku dhashay Boorama. Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ka bartay jaamacadda Camuud. Daneeya arimaha Fikirka, Bulshada, Sooyaalka iyo dhaqandhaqaalaha Soomaalida.

Email: raage456@gmail.com

Dhiggeed Karroon iyo Dheeg Xasan

Hijabi

Ma ihi sidii hore, mana u dhawi sidaad igu taqaannay. Ma garan karo wax i beddelay. Qorshe la’aantaydan aad la yaaban tahay ma aha waxa keenay fikirkaygan bilaa xadka ah. Murugo ima hayso; mana faraxsani. Si baan ahay aanan ahaan jirin. Kollay waa iyada. Waxa sidan ii rog-rogay.

Dhabbada aan mari jiray markaan u socdo xagga dugsiga maanta waan beddeley. Marin aan marinkii ahayn iyo dariiq kale ayaan tallaabada ku xadaa. Gaabis uma dhalan mana aan habsaami jirin. Aniga ayaa wehelin jiray waardiyaha dugsiga aroorta hore ba. Munaasibado dugsigu ardayda u sameeyay waxa aan ku hantay kallahaadaydaa abaal marrinno dhawr ah. Laakiin maanta sidii aad igu taqaannay iyo si u dhow toonna ha iigu soo hagaagin.

Labo jeer, waa mar-mar e ayaa aan cantuugaa quraacda. Aalaa cantuugada danbe marka aan iyada xasuusto halkaa ay marayso ma dhaafto, haddii aan gacanta ku hayo na halkaan kasoo qaaday ayay si dhib yar ugu noqotaa. Waan soo baxaa, toos uma abbaaro dugsiga laakiin gurigooda ayaan si degganaan ku jirto ku sii maraa. Micnaha sida bukaanka ayaan u talaabsadaa. Bukaan socod ma ihi laakiin iyada ayaa iga dhigtay. Nasiib wanaaggayga subaxyada qaar waa aan la kulmaa, oo wadajir ayaannu ugu soconnaa xagaaa iyo dugsiga, halka subaxna ay soo yar habsaanto. Marka ay socodka igu wehelinayso waxa aan dareemaa farxad. Run ahaantii isma lihi waxa aad dareemi inta hadhay noloshaada. Waana dhab oo illaa hadda ma hayo mana helo. Ma arko mana dareemo rayn-rayntii iyo dhoollacaddayntii aan iyada la qaadan jiray.

Waxa aan iyada u hayay jacayl, xiiso iyo kalgacal aan xad lahayn laakiin waxa igu adkayd u sheego. Oo haddan u sheego waxa i bog dillaaciyay ee aan yartan u hayo ma gefbaa?! Maalin aannu ka wada qayb gelaynay munaasibad aniga, iyada iyo wiil kale oo soo kallahi jiray ayaa nala saaray bas. Anaga oo u raacnay goobtii munaasibaddu ka dhacaysay. Intii aanu baska saarnayn xageeda waxa iga xigay wiilkii kale. Waxa aan u dhiibay aleen [telephone] aan ugu qoray codsi ah in uu isoo beddelo. Ina rag damac iyo dacar midina ka ma dhammaato waa tii la odhan jiray e is adkayn xoogaa ah ka dib waa uu iga yeelay codsigii. Lix sano ka hor ayaa ay ahayd, waan la fadhiistay. Haa, oo waliba waa ay sheekaynaysay. Farxad, muxibbo iyo kalgacayl ayaa saaqay guud ahaan Jidhkayga. Malahayga aan is idhi iyada ayaa wadatay.

Maalin dhawayd nin ayaa lahaa “Haddii aad rabto in aad illowdo qof aad jeceshahay dil rejada oo jooji naawilaadda”

Cirku waa yar madow, cadceeddiina wali may dhicin. Casaan indhuhu jeclaysanayaan iyo daruur ayaa qariyay qayb ka mid ah cirka. Eedaan ayaa kusoo dhacaya dhagahayga, inkasta oo maanku ku xiiqay xasuusteeda haddana qalbigu u sheego dareenkaaga ayaa uu cod aad u hooseeya igu leeyahay. Salaaddii maqrib waa aan tukaday, wax aan tukaday se garan maayo, laakiin in aan iyada qaraaco ayaan ku hayay lubiga.

Dhiirranaan ah inaan banaanka usoo saaro waxa iga dhex guuxaya ma lihi. Inta aannu dharaarti wada soconno sheeko igu ma yara oo ma ihi nin u dhashay aamusnaanta, laakiin u tebi oo u sheeg jacaylkaaga sarbeeb ahaan iyo badheedh midna ma awoodo. Go’aan baan gaadhay ah in nin aannu saaxiib nahay i metalo; macnihii uu aniga iskakay dhigo. Qorshe ayaannu dhignay in uu isagu aleenka kala hadlo isaga oo codkiisa hoos u dhigaya anigana isu kay ekaysiinay si aanay u dareemin kadibna uu u sheego wax kasta oo aan iyada u hayo. La isbariidi una bandhig dareenka jacayl ee aan u hayo iyo beer-nugaylkaygii. Aqbashay oo la isfahan. Habeenkaana si wanaagsan kollay iyadu u seexatay.

Rayn-raynta midhihii ka soo baxay wadahadalkaa habeenka kama seexan, ma aan ladin wax hurdo ahna ma aan hawaysan. Inkasta oo xaggeeda sida uu qalbigu ileeyahay ay faraxsanayd si fiicanna u seexatay ma garanayo in uu been sheegayo e. Hiirtii waaga ayaa aan u baxay masjid, ka soo noqday. Deg-deg u xidh-xidhay una baxay dugsigii.

Xishood ayaa ila soo darsay, madaxayguna dharaartaa hoos ayaa uu ahaa. Wax ma dhigan mana aan daymoon baraha xaggiisa. Sidii ayaan kaga imi maalintaa dugsiga. Caado waxa noo ahayd in anaga oo lammaane ah kasoo rawaxno dugsiga. Laakiin dharaartaa kaligay ayaa jalaskaba ka horeeyay.

Talo iskuma kaa sheegto. Bila aadankuna uur-ku- baalle ma aha. Iimay sheegin in laacan aan arkayo uu jar dheeri ka hooseeyo. Aayar baa si yar oon dhib lahayn, hadal yar oo aan iyada dhibayn ay iigu sheegtay in la guursan doono. Waliba waxay ii raacisay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dooni doono.

Arrin ka weyn noloshayda ma arkin warkaasi. May ii sheegto mar hore go’aan ayaa aan gaadhi lahaa?! Oo ma qof aad jeclaataa go’aan laga gaadhaa. Adduunyadu waayo badanaa oo werwer iyo walaac badanaa. Maalin dhawayd nin ayaa lahaa “Haddii aad rabto in aad illowdo qof aad jeceshahay dil rejada oo jooji naawilaadda.” Inkasta oo aanan caloosha ka saari karayn hadana waa aan ku qasbanahay in aan illoobo. Kalmad aan meel halkeera ah maalin ka maqlay ayaa aan iyadana ku odhanayaa. “Nasiibkaygaa i nacaseeyaye, noolaada adiga iyo ninkaaguba.”


HIMILO DARWISH (ARTIST) is a 23 year old business student. She has been drawing since she can remember. Her artwork currently revolves around her identity as a Muslim, Somali, Black woman living in the UK. She resides in London.

Instagram: @dazmyart

CADNAAN MAXAMUD AXMED (Author) resides in Hargeisa, and graduated from high school this year. He is originally from Burao.