Poem, Untitled (2)

Gadgadoonka waayaha
Xiliyada is garab yaal
Haddii uu garaadkaa
Maankaagu gaabshoo
Gaadhi waayo meeshii
Naftu kuu galbineysoo
Hakad uu kusoo galo
Ha giriifin noloshee

19 Sumaya Mohamed

Gadgadoonka waayaha
Xiliyada is garab yaal
Haddii uu garaadkaa
Maankaagu gaabshoo
Gaadhi waayo meeshii
Naftu kuu galbineysoo
Hakad uu kusoo galo
Ha giriifin noloshee

Geenyada jareysoo
Godkii hore ka digo rogo
Gobolkuba haduu dumo
Galbis weeye maantaas
Iyo waxaan lasoo gocan
Waagii soo guduutana
Yi’ didiilo gaariyo
Waa nasiib kusoo galee
Haka gaabsan hanashada
Gunta dhiisha uga tolo
Shalay galab wixii tagay
Weligaa hasoo gocan


Sumaya Mohamed (Photographer) is an aspiring visual artist currently based in Bosaso, and roaming around Somalia. Her images portray everyday life in the motherland.

Instagram: @svmaya

Naaima Abdi (Author): “Waxaan ku barbaaray dalka Jarmalka, waxaan kusoo noolaa isagana dalka UK, imikana waxaan si rasmi ah u dagnahay Hargeisa, hal-abuurka ama qorida maqaalo iyo maansooyin u badan hogol tusaalayn, waa ii hobby ama maararow, waxaan inta badn ku cabiraa aragtidayda ku waajahan duruufaha kala duwan ee bulshada soo waajaha, sida baahi, xanuun, i.w.m.”

Instagram: @na_poetry