Karima Osman (Author) studies public health and medicine, and enjoys the art of poetry in her free time as a way to reconnect with her motherland, the nation of poets. She runs a blog, Nomadic Intuition, where she features her writing and has self-published a poetry chapbook in 2016. We hope you enjoy her words.
Asalkay lahayd iyo Dunjigay ku ahabtee, Marka qolo asqawdaa Usha qabato diintee Qolo kale ayaan iyo U awoodo sheegtaan Qolo kale iftiin iyo U astaamo sheegtaan
Inkiraadda qolo kale Ku awaajji faafshaan Ninba gaar si araggii Aayadaha u kala guro, Duco waa allow sahal istiqfaartu waa diin
Iglan waa maraykane Kolka ay israa’iil Labadaba afkood tahay Carabtiyo imaaraad Inta laysu daba maro Midba agab kasoo gado Iiraanna lagu diro Falasdiin la iibsado Afrikaanna sheekiyo Ictiraafka lagu sabo Waa been nin aakee (A-K) Kugu yidhi itaashee, Jihaad waa af xilashada Akhriskiyo qoraalkiyo Qalinkiyo adeegsiga
Ururada qabiilkee Loogu eexdo beeluhu, Kolka gelin axsaab iyo Qaran loo abaabulo, Duqaydiyo islaamaha, Ubadkiyo caruuraha, Inta loo tollaay dhaho, Anbabaxa daraddii Ammin loo dedaal falo, Kolka loo ansixiyee Xilka loo agaasimo, Iskaddaa cid kale oo Abtigiis dharaartuu Inyar oo caddaalada Idilkeed ka laayahay, Hays odhan is-biimee
Axda iyo xanuunkiyo Alwadkiyo baroortaa Dadka qaar u iidoo, Markaad Aah tidhaahdeed Igaddaa dhawaaqday Usha kula dhacaanoo Looma ooyo ruuxaan Ilmadaada dhabankiyo U qalmaynin urugada
GOULED AHMED (Artist) produces creative photography, both composed and candid, as featured on his Instagram account, @xawaashking
YAHYEYEEBAASH (Author) is a home-grown Somali poet who studies Medicine as a profession. He started writing his first spoken word poetry at the age of 16. Since then, his work has focused on youth issues as he conducts many events all over the country. He is the producer of a TV and web series called Sirta Nolosha and he is also leading a creative campaign (Hal-abuur) which nurtures the poetic talents of high school students.